Ajaaniib Badan Oo Shabaab Ah Oo Lagu Arkay Magaalada Baardheere.

0

Dhagaxdil02Kismaayo(AGGM) Magaalada Baardheere ayaa la sheegayaa inay noqotey meel ay Argagixisada Alshabaab ay ka dhigteen fariisinka ugu muhiimsan ay ku leeyihiin koonfurta soomaaliya ka dib markii ay ku kala qaxeen Magaalada Barawe oo ahayd xarunta ay ku awooda badan yihiin.

Labadii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo lagu arkayey Ajaaniib  badan oo isugu jirta Madow iyo cadaan oo gudaha magaalada ku sugan isla markaasna aan iska qarineyn dadka shacabka ah,waxaana la shaacinaya inay ajaaniibtaasi ka yimadeen Magaalada Baraawe.

Maalinimadii shalay ayay ahayd markii Ajaaniib badan oo ku cusub Magaalada Baardheere lagu arkay gudaha Magaalada  Gaar ahaan degaan ay ka fulinayeen kooxda Shababaab xukun tacsiir ah oo ay dad shacab ah ku fulinayeen,waxaana la aaminsan yahay in Ajaaniibtan ay dhawaan ka soo guureen Magaalada Baraawe.

Dhinaca kale Kooxda Alshabaab ayaa la sheegayaa inay kala jabeen isla markaasna la kala safan yihiin Shiikh Mukhtaar Roobow iyo Axmed Cabdi Godane,waxaana wararku sheegayaan inay Alshabaabka taageersan Roobow ay iyagu u soo careereen degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo xaduud la leh gobolladda Bay Iyo Bakool.

Ugu Dambeyntii Ajaaniibtan ayaa la aaminsan  yahay inay qayb ka yihiin kooxaha dhibaatada iyo barakaca ku haya Shacabka soomaaliyeed,waxaana la xaqiijinayaa ina ajaaniibtaasi doonayaan inay ku dhex dhuuntaa Gobolka Gedo degaano ka tirsan oo ay shacabka ay dhibaato u horseedaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com