Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,Haweenka Iyo Carruurta Ee Baarlamaanka Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah London Loogu Sameeyey “SAWIRRO”

0

Xildhibaanad-Khadiijo-Xaflad-Soo-Dhaweyn-London-8Muqdisho(AGGM) Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee caasimadda Dalka Britain ayaa xalay xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,Arrimaha Bani’aadannimada,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xafladan soo dhaweynta ah oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxey aheyd casho sharaf ay Haweenka Soomaalida ah ee UK ugu talagaleen iney kusoo dhaweeyaan Gudoomiyaha gudiga Xuquuqda Aadanaha ayadoo xafladaasi casho sharafta aheydna laga jeediyey khudbaddo kala duwan.

Ugu horeyn xubno u hadlay Jaalliyadda Haweenka UK ee iyagu xafladan soo qaban qaabiyey ayaa tilmaamay iney aad ugu faraxsanyihiin lakulanka Xildhibaanadda oo ay ku tilmaameen iney ka mid tahay xubnaha Haweenka ah ee ugu firfircoon Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ay sidoo kale ka hadleen hormarrada ka jira gudaha Dalka ee ay Dowladdu gaartay iyo sida ay ugu qanacsanyihiin qaabka uu xiligan u shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,Arrimaha Bani’aadannimada, Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Xafladda khudbad ka jeedisay ayaa uga mahad celisay Haweenka Soomaaliyeed ee UK sida ay usoo dhaweeyeen waxaana ay dhanka kale faah faahin ka bixisay isbedellada hormarineed ee ka jira gudaha gudaha Dalka iyo sida ay u socdaan howlaha Xildhibaannada Golaha Shacabka.

“mahad celin kadib waxaad ogtihiin sida ay u socdaan howlaha Baarlamaanka, waxaa gudiyo 15 gaaraya oo uu ka mid yahay gudigan aan Madaxda u ahay waxaan mudooyinkaan wadnay la tashiyo aynu la sameyneynay qeybaha kala duwan ee bulshada, la tashigaas wuxuu la xiriiraa xeerka xuquuqul insaanka iyo arrimaha bani’aadannimada dalka waayo siyaasadda Baarlamaanku ku shaqeynayo hada waxey muhiimad gaar ah siineysaa la tashiga dadweynaha si rabitaankooda loo tixgeliyo oo aan ugu shaqeyno,idinkuna waan idiinku dhiiragelinayaa inaad ka qeybqaadataan la tashigaas”ayey tiri Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,Arrimaha Bani’aadannimada,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Munaasabadda casho sharafta ah ayaa waxey kusoo gebageboowday jawi farxadeed waxaana ay Xildhibaanad Khadiijo Diiriye ay ka mid tahay wafdi sare oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, wafdigaasi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Britain ayaa la filayaa iney la kulmaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan London iyo sidoo kale magaalooyinka waaweyn ee dalka Ingiriiska qaarkood.

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Xildhibaanad-Khadiijo-Xaflad-Soo-Dhaweyn-London-2Xildhibaanad-Khadiijo-Xaflad-Soo-Dhaweyn-London-3Xildhibaanad-Khadiijo-Xaflad-Soo-Dhaweyn-London-8Xildhibaanad-Khadiijo-Xaflad-Soo-Dhaweyn-London-11Xildhibaanad-Khadiijo-Xaflad-Soo-Dhaweyn-London-4Xildhibaanad-Khadiijo-Xaflad-Soo-Dhaweyn-London-2