Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay bisha barakeysan ee Ramadan ay taageeraan masaakiinta, barakacayaasha iyo weliba inay carruurta ka farxiyaan maalinta Ciidda ah.
Madaxweynaha oo kulan wadatashi ah la yeelanayey ganacsatada Soomaaliyeed oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Mudane Maxamud Xasan Maxamud ayuu Madaxweynahu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay taageeraan shacabka tabaaleysan, waxuuna yiri “ Ganacsatadu waa lafdhabarka bulshada, waxaana isugu kiin yeeray labo arrimood oo muhiim ah oo ah inaad taageertaan shacabka aan awoodin inay Soonka afuraan oo gurmad deg-deg ah loo sameeyaa dadka tabaaleysan, kuwa barakacayaasha ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inta aan awoodin inay Soonka si fiican u afuraan. Sidoo kale farriinteyda labaad ayaa ah inaad carruurta Soomaaliyeed ka farxisaan maalinta ciidda barakeysan oo kuwa aan awoodin in dhar qurxoon xirtaan oo damaashaadaan maalintaas il gaar ah loo yeeshaa. Waxa aan idin warsanayo waa sadaqo oo ajar baad ka heleysaan, shacabkeennana waxuu noqonayaa kuwo is taageera.”
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ganacsatada Soomaaliyeed doorkooda saliimka ah ee 22kii sano ee la soo dhaafay ay duruufo adag ku shaqeynayeen. Madaxweyanah ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri “ Maanta waxaan joognaa marxalad amni iyo nabad ah oo waxaan u baahanahay in ganacsiga uu kobco, sidaas daraadeed waxaa muhiim ah inaad kordhisaan maalgeshiga mashaariicda horumarineed, isla markaana aad si wadajir ah ugu soo jeesataan sidii aad u sameysan laheydeen ama u taageeri laheydeen hay’adaha Samafalka ah.”
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Ganacsatadii goobta ka hadashay ayaa dhammaantood uga mahadceliyey Madaxweynaha inuu xasuusiyo waajib diini ah, waxeyna ballanqaadeen inay ka howlgalayaan baaqa uu Madaxweynaha u soo jeediyey.
– DHAMAAD –