Muqdisho (AGGM): Gudoomiyaha ururka SDSI C/qani Sheekh Cali Diini iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxa ay shalay booqdeen dadki dhaawacyada ka soo gaareen dagaaladi ka dhacay magaalada Kismaayo ee la soo gaarsiiyay Isbitaal Madina ee magaalada Muqdisho.
Booqashada gudoomiyaha ee dadka ku soo dhaawacmay dagaaladi ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku weheliyah Col. Cabdi Cismaan Nuur iyo mas’uuliyiin kale.
Gudoomiye C/qani Sheekh Cali Diini iyo Col. Cabdi Cismaan Nuur ayaa waxa ay baaq u direen dhamaan jaaliyada SDSI in qeeyb qaataan sidii loo saacidi lahaa dhawacayada yaal isbitaal Madina ee magaalada Muqdisho.
Isku soo wada duuboo dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale iyana door muhiim ah ka qaadaneeysa sidii loo saacidi lahaa dadka ku soo dhaawacmay dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo weliba kuwa ay soo gaareen dhaawacyada culus oo la qorsheenayo in ay dowladda u qaado dalka dibaddiisa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com