Jabhadda Raaskambooni Oo Guri Ku Yaalay Kismaayo Dhulka La Simay

0

Axmed-MadoobeKismaayo(AGGM) Iyadoo ay wali sii socdaan falalka amaan darro ee ka taagan magaalada Kismaayo  haddana maanta arrin aad uga yaabisay shacabka Magaalada Kismaayo ayaa ka dhacday ka dib markii ciidamada Jabhadda Raaskambooniay guri yaalay Magaalada Kismaayo dhulka la siimeen.

Gurigan  ayaa ku yaalay Xaafadda Fanoole gaar ahaan meesha loo yaqaano Isku Filan,waxaana Ciidamada Jabhadda Raaskambooni oo watey laba Gaari oo nooca dagaalka ah ku amreen dadkii gurigaasi deganaa inay banaanka uga soo baxaan isla markaasna waxay Marsiiyeen Guriigi Cagaf Cagaf taasi oo dhamaantiis dhulka la sintey.

Gurigan ayaa la sheegay inay daganayeen dad shacab ah isla markaasna maanta si kedis ah ciidamadda Jabhadda Raaskambooni weerar ugu soo qaadeen iyadoo dadkii gurigaasi ku noolaa ku armay inay banaanka uga soo baxaan,waxaana la sheegay inay guriga iyo alaabtii tiilay dul mariyeen Cagaf Cagaf ama Katarbilar.

Shacabka Magaalada Kismaayo ayaa arrintani tahay mid ku cusub isla markaasna ay aad u hadal hayaan,waxaana talaabadan maanta noqoneysaa Mid ciidamada Raaskambooni ay ka soo barteen gumeystayaasha kiiniya Iyo Itoobiya oo qaabkaas ula dhaqma eheladooda,falalkan ay sameyanayaan ee isugu jira kufsiga ,dhaca iyo boobka ayaa la aaminsan yahay inay kala yimaadeen Kilinka 5 aad iyo Kiiniya oo intooda badan eheladooda lagu sameeyo waxyaalahasi oo kale.

Dhinaca kale Maalinimadii shalay ayey ahayd markii Mid ka mid ah horjoogayaasha Raaskambooni gurigiisa ay dhaceen koox ka tirsan Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo qaatey dhamaan wixii agab gurigaasi yaalay,waxaana arrintaasi ahayd mid aan ku cusbeyn kismayo iyagoo hore u dhacay guriga Fartaag oo ku xigeen u ah Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii dhaqan xumaddan ka jirta Magaalada Kismaayo ee ay ka wadaan Jabhadda Raaskambooni ee ku soo barbaartey kufsiga iyo dhibaatada lagu hayo dadka dega Kiiniya Iyo Kilinka 5-aad ayaa aaminsan inay dhaqankaasi soomaaliya la yimaadaan isla markaasna ku faafiyaan gudaha dalka soomaliya taasi oo aan la ogeyn inta ay sii socon doonto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com