Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland Oo Qodobo Dhawr Ah Maanta Isku Afgartey

0

Somaliland-and-Somalia-Flags-1London(AGGM) Wajigii labaad ee wada hadaladii u dhaxeeyay dowlada soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka turkiga ayaa waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah.

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo ah xogheynta gudiga dowlada soomaaliya uga qeyb galaya wada hadalaa ayaa warbaahinta u sheegay qodobada ka soo baxay shirka,waxana ka mid ah.

Masuuliyiinta kulankaasi dhexmaray maanta ayaa la sheegaya in wajiyadooda ay ka muuqdeen farxad iyo rayreyn isla markaasna aan wali la ogeynka dhanka ay maanta farxadoodu u janjeerto.

1.In la isku furo isku socodka siyaasiyiinta,iyo qeybaha bulshada labada dhinac

2.In shirarka danbe ay ka dhacaan dalka gudihiisa ha noqoto muqdisho ama hargeysa.

3.In la sameeyo xeer u gaar ah oo ay gudiyada labada dhinac isku maamuulaan shirarka danbe  ee soo socda,si meesha looga saaro hadalo la isku marinayo warbaahinta,ama waxyaabaha caqabad ku noqon kara shirarka danbe.

Wafuuda ka socotay maamulka Somaliland ayaa muujiyay walaac ku aadan habka maamulka hawada soomaaliya maadaama ay dowlada soomaaliya ku guuleeysatay in ay dib ula soo noqotay maamulka hawada soomaaliya.

Ugu dambeyntiui wajiga labaad ee wada hadalka u dhaxeeya wafuuda ka kala socota dowlada soomaaliya iyo maamulka somaliland ayaa ilaa caawa ka sii socon doona magaalada istabul waxana la filayaa in la soo gabagabeeyo beri galinka danbe. Waxaana lagu wadaa in waxyaabo badan qallinka lagu duugo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com