Nairobi(AGGM) Maalmihi la soo dhaafay waxaa gudaha Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kiiniya kulamo muhiim ahi uga socdeen Masuuliyiin ka kala tirsan dawlada Kiiniya oo Soomaali ah & Jabhadda ONLF oo iyadu u dagaalanta xornimadda Gobolka Soomaali Galbeed,waxaana masuuliiyintaasi ka wada hadlayeen sidii dhaqaalaha dekedda Kismaayo qayb muhiim ah looga siin lahaa Jabhadda ONLF.
Yusuuf Xaaji oo ah sarkaal ka tirsan dawlada Kiiniya ayaa la sheegay inuu maalmihi la soo dhaafay kulamo muhiim ah kula qaatey Huteelka Hilton ee Magaalada Nairobi saraakil sar sare oo ka socda Jabhadda ONLF kuwaasi oo la sheegay inay ciidamo ka joogaan dhinaca gobollada Jubooyinka .
Masuuliyiintan ayaa la sheegay inay Yuusuf Xaaji ka codsadeen inuu cadaadis saaro ciidamada kiiniya ee ku sugan Magalaada Kismaayo isla markaasna ka caawiyaan ciidamadooda ku sugan Magaalada Kismaayo dhinaca tababarada iyo logistics-ka,waxaana ay ka codsadeen in ciidamo kale oo hor leh loo tababaro si ay dulaan ugu qaadaan gudaha dalka Itoobiya.
Masuuliyiinta kulanka ka qayb qaatey ee dhinaca Dawlada Kiiniya waxaa ka mid ah Yuusuf Xaaji, Faarax Macalin Dawara,Ilyaas Bare Shiil dhinaca onlf waxaa la sheegayaa inay goob joog ka ahayeen Gudoomiyaha Jabhadda ONLF,Gudoomiye ku xigeenka ONLF, Hogaanka Abaabulka & Hogaanka dhaqaalaha.
Masuuliyiinta ONLF ayaa la sheegaya in qaarkood ay ka yimaadeen dhinaca wadamada Qurbaha,Balse Hogaanka Abaabulka iyo kan dhaqaalaha ayaa la sheegayaa inay ka soo kicitimeen degmada Afmadow nawaaxigeeda oo ay ku leeyihiin tababar xero ciidamada ONLF lagu tababaro.
Kulankan ayaa la sheegay inuu ku soo dhamaaday is fahan isla markaasn ay Madaxda dawlada kiiniya gaar ahaan kuwa Soomaalida ah aqbaleen inay cadaadis saaranayaan ciidamada dalwada kiiniya isla markaasna ku cadaadinayan in tababarka , Dhaqaalaha & dhinaca hubka laga tageeri doono ciidamada Jabhadda ONLF ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Jubadda Hoose.
Ugu dambeyntii Magaalada Kismaayo ayaa noqotey meel hoy u ah Cadaw badan kuwaasi oo ka soo horjeeda nabad ka dhalata geeska Afrika isla markaasna doonaya inay weeraro ku qaadaan degaano Nabdoon sida gudaha itoobiya,waxaana la aaminsan yahay in Jabhadda Raaskambooni ay masuul ka tahay tageerada Jabhadda ONLF Iyo Shabaab oo ay hore uga tirsanaan jireen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com