Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Guddi Loo Saaray Soo Diyaarinta Qodobada Shirka Brusssels.

0

Madaxweyne_New_DealMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa kulan la qaatay guddiga New Deal ee loo saaray in ay soo diyaariyaan qodobada la horgeyn doono ama dowladda federaalka Soomaaliya la hortagi doonto shirka ka furmaya dhawaan magaalada Brussels.

Shirka Brussels oo looga hadlli doono xaalada dalka Soomaaliya waxaa la fillayaa in ay wada jir u guddoomiyaan Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Catherin Ashton oo Midowga Yurub u qaabilsa arrimaha siyaasadda.

Afheyeenka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay iny in gudiga oo ka kooban dowladda qaybaheeda kala duwan u jeedkiisa u ahaa sidii uu madaxweynaha sidii uu madaxweynuhu ula dardaarmi lahaa, ayna muujiyaan diyaar garoow aad u xoogan oo ay la tashadaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waa in isbedel dhab ah uu noqdaa mid ka muuqda hab-dhaqanka dowliga ah ee maanta aan heysanno; waana in qorshayaasha la idiin xil-saaray ay noqdaan kuwa si aad ah loogala tashto shacabka Soomaaliyeed si la isugu abaaulo shirka ka dhacaya Brussels uuna u noqdo mid guuleysta,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka uu madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud la qaatay guddiga New Deal ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan gollaha wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen wasiirrka maaliyda Max’uud Xassan Suleymaan iyo wasiiru-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha Mahdi  Max’uud Cali .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com