Fashilaad: Sanaadiiq Codadkoodu buuxaan Iyadoo Aan La Gaarin Doorasho & Meel Fagaare Ah Oo Lagu Gubay (Sawiro)

0

SAM_3355Galkacayo(AGGM) Boqolaal ka mid ah dadka ka soo horjeeda habka nidaamka xisbiyadda Badan ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta isugu yimi bartamaha Magaalada galkacayo ka dib markii Maleeshiyaad hubeysan si xoog ah ku soo furteen Sanaadiiqdii doorashooyinka Puntland ee xalay halkaasi la geeyey.

Fagaaraha magaalada galkacayo waxaa saaka isugu soo baxay dadweyne fara badan kuwasi oo qaarkood hubeysan yihiin isla markaasna muujinaya sida ay uga soo horjeedaan talaabooyinka Maamulka Cabdiraxmaan Faroole uu ku doonayo inuu kursiga Madaxtinimada Puntland ku sii fariisto.

Masuuliyiin ka tirsan mucaaradka Puntland isla markaasna si weyn looga yaqaano magaalada Galkacayo iyo degaanada Puntland ayaa maanta si bareer ah fagaaraha Magaalada ugu gubay sanadiiqdii dhamaan loogu tallo galay in looga codeeyo gudaha iyo tuulooyinka ku dhaw dhaw Magaalada Galkacayo,wxaaana ay halkaasi dab ku qabadsiiyeen dhamaan wixii agab loogu tallo galay doorashada.

Arrintan ugu daran ee lagu arkay sanaadiiqdan ayaa ah iyadoo ay qaarkood buuxeen isla markaasna afka ka xirnaayeen,waxaana la sheegay in hore magaaalada Garoowe looga soo buuxiyey uuna ku doonayey in dib loogu doorto,waxaana maanta Magaalada galkacayo ka dhacday fadeexad iyo fashilaad soo food saartey madaxweynaha Puntland iyadoo warqadahaa codbixinta dhamaantood la soo buuxiyey.

Ugu dambeyntii waxaa gubitaanka Sanadiiqda doorashadu ku soo beegmayaa xilli ay maanta dagaalo faraha looga gubtey ka dhaceen magaalada Qardho halkaasi oo khasaare shacab iyo mid ciidan ka dhasheen iyadoo labada dhinac wadaan gurmadyo ay ka kala sugayaan degaanada ku dhaw dhaw mana jiraan cid isku hawshay inay dhex dhexaadiso mucaaradka iyo Maamulka Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC01611SAM_3353SAM_3354SAM_3355SAM_3356SAM_3357SAM_3358SAM_3360