Nairobi (AGGM): Sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa caawa Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka furmay shir qarsoodi ah oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, oo ay lee yihiin Rag caan ka ah dalka Soomaaliya oo sameeystay is-baheysi cusub oo la magac baxay “Maxaan Cunaa”.
Shirkan ayaa waxaa wada xubno horey xilal uga soo qabtay dalka Soomaaliya, kuwaas oo dambiyadi ay ka galeen dadka iyo dalka marki ay xilalka hayeen aan loo raacan, ayaa haddana waxa ay u soo hanqal taagayaan intay ka soo horjeestaan dowladda madaxweyne Xasan Sheikh in meesha laga saaro, si ay ayaga xilal uga helaan dowladda cusub.
Xubnaha shirka fadhiya ayaa waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cali Khaliif Galeyr, siyaasiyiin ay kamid yihiin hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe, Yuusuf Garaad Cumar,Gen. Maxamed Warsame Darwiish, Sheekh Maxamed Awlibaax, Axmed Macalin Fiqi oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya iyo xubno kale.
Haddaba waxaa isweeydiin si bulasho weynta Soomaaliyeed qiimeeyn ugu sameeyaan waayo raggan sameeystay Isbaheeysiga cusub ee la magac baxay “Maxaan Cunaa”?
Madaxda Isbaheeysiga “Maxaam Cunaa”:
Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waa nin Wahaabi ah islamarkaana ahaa gudoomiyihi hore ee maxkamadaha Islaamiga ee Jubooyinka, sida la wada ogsoon yahayna waa gacan ku dhiigle xasuuq ka geeystay degmada Bu’aale, kadiba waxa uu ku biiray ururki burburay ee Xisbul Islaam, kadibna waxa uu qaab qabiil ula goostay garab kamid ahaa falaagada al Shabaab oo la oran jiray Raaskambooni oo uu ilaa hadda u yahay Horjooge, waxa haddana Raaskambooni loo heeystaa in ay dilala qorsheesan, dhac iyo kufsi ka geeysteen magaalada Kismaayo, waa shaqsiga ugu dambiga badan isbaheeysiga “Maxaan Cunaa”
Sheekh Maxamed Aw-Libaax waa nin Ahlusunna ahaa balse hadda waxa ay xulufo dhow yihiin Axmed Madoobe oo Wahaabi ah, dadkuna waxa ay isweeydiinayaa xageey Ahlusunna iyo Wahaabiyiintu ku heshiiyeen, xageey Ahlusunna iyo Wahaabiyiinta wax ku wadaageen, Xagee lagu arkay shaqsi sheeganaya Ahlusunna oo hoos fadhiya Wahaabiyiin?
Sida xaqiiqada ah Sheekh Maxamed Awlibaax ma uu matalo Ahlusunnada Koonfur Galbeed, mana noqon weligiis gudoomiyaha Ahlusunnada Koonfureed, waxaana daliil u ah ma ay dhacin mana dhacayso gudoomiyaha Ahlusunnada Koonfureed inuu hoos fadhiisto Axmed Madoobe oo Wahaabi ah.
Prof. Cali Maxamed Geedi waxa uu soo ahaa R/wasaarihi hore ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa (AUN) C/llaahi yuusuf Axmed waxa uu hormuud ka ahaa ciidamdi Itoobiya ee soo galay dalka Soomaaliya, waxaa lagu eedeeyaa mudadi yareed ee uu ahaa R/wasaaraha inuu hanti gaareeysa $ sodon milyan oo doolar ah ka dhacay shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna guri dhoowr milyan oo doolar ah ka gatay magaalada nairobi ilaa haddana ma ay jirto cid isweeydiisay dambiyadi uu ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Prof. Cali Khaliif Galayr waxa uu hore ulla soo shaqeeyn jiray dowladdi dhexe ee Soomaaliya, dalka waa uu ka goostay waxa uuna la baxsaday hanti qaranka Soomaaliyeed lahaa isaguna waa uu qirtay in uu hantidaas qaatay, kadib waxa uu noqday R/wasaaraha Soomaaliya dowladdi KMG ahayd ee Madaxweyne Dr. C/qaasim Salaad Xasan sidoo kale iyada oo aan la ogeeyn ayuu iska dhaqaaqay, taa oo sababtay in xilka laga qaado.
Weriye Yuusuf Garaad Cumar, waxa uu ahaa weriye caan ah oo ka shaqeeya Idaacada BBC-da qeeybteeda afka Soomaaliga dadka Soomalaiyeed dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waxa ay ku eedaayaan inuu yahay nin ay dilootay Qabyaalada, islamarkaana waxa uu si aad ah ugu ololeeyn jiray ururo diimeedka dalka Soomaaliya haligay maanta, dadka Soomalaiyeedna waxa ay ku raaceen inuu yahay Af Ku Dhiigle.
Gen. Maxamed Warsame Darwiish, waxa uu ahaa taliyihi nabadsugida xukuumadi KMG ahayd ee R/wasaare Cali Maxamed Geedi, waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa nin laaluushka si aad ah u qaata kana ganacsada maxaabiista xabsiyada ku xiran, waxaa jirta in aad loogu eedeeyay inuu yahay nin isticmaali jiray jir dilka loo geeysto maxaabiista, xataa waxaa wax ka hadlay warbaahinta kasoo baxa dalka Ingiriiska, waana shaqsiga labaad ee ugu dambiga badan isbaheeysiga “Maxaan Cunaa”.
Halkan Guji ka daawo “Warlord Next Door”Part 1, Warlord Next Door Part 2
Dr. Cumar Cabdirashiid waxa uu ahaa R/wasaarihi dowladdi madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, shacabka iyo odoyaasha dhaqan Soomalaiyeed waxa ay ku eedeeyaan inuu yahay shaqsi hunguri weeyn islamarkaana xataa birihi yaalay dekeda weyn ee magaalada Muqdisho u raray magaalada Boosaaso, waxaa sidoo akle uu lunsaday hanti fara badan oo ay lahaayeen shacabka Soomaliyeed.
Dhamaan raggan aan kor kusoo xusay magacyadooda oo weli aan dhargin unna ciil qaba dhibti hore ee ay ummada Soomaaliyeed u geeysteen inay mid kale ugu daraan soo meeysan habooneeyn in ay ka waji dadbadaan ummada Soomaaliyeed maadaama si wanaagsan loo yaqaan taariikhda dalkana ay uga jiraan baal mugdi ah, soo arinkooda noqon maayo maah maahdi Soomaalida ee ahayd afkaygana makaro’e walba saas wax ka indho adag malaha ?
Gabogabo, waxaan dhamaan dadka Soomaaliyeed ee maskaxdoodu caafimaadka qabto kuna jirin nin jecleeysiga iyo daneeysiga qooys ugu baaqayaa inay ka foojignaadaan isbahayeesigan cusub ee la magac baxay “Maxaan Cunaa” ee u adeegaya cadowga Soomaaliyeed kana ilaashadaan Dowladdooda, Dadkooda iyo Dalkoodaba iyaga oo isku duuban.
Daawo Sawirka Madaxda Isbahaysiga “Maxaan Cunaa”.
Maxamed Saciid Guuleed
Nairobi, Kenya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com