Digniin: Warbaahinta Degaanadda SSC Oo Caado Ka Dhigtey Aflagaadeynta Madaxda Beesha Sade

0

digniin1Kismaayo(AGGM) Bilihii u dambeyey waxaa warbaahinta Degaanada SSC intooda badan lagu soo bandhigeyey warar aan sal iyo raad toona lahayn,taasi oo aysan dadka ku abtirsan Beesha Dhulbahante ee qora website-yadaasi aysan ka fekerin waxyaalaha ka rakibmi doonaa,waxaana ay caado ka dhigteen inay inta badan Waxgaradka Iyo Siyaasiiinta Beesha Aflagaado iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn ka faafiyaan.

Warbaahinta caadeysta arrimahaasi waxaa hormuud ka ah Warbaahinta Allssc.com oo iyadu si aan gabasho lahayn u aflagaadeysa Waxgaradka Iyo Siyaasiinta Beesha Sade arrintaasi maahan mid ay aqbali doonto Warbaahinta Allgalgaduud isla markaasna waxaa digniintani noqoneysanaa Middii ugu dambeysay ee Warbaahinta Allgalgaduud u jeediso shabakadaha degaanada SSC gaar ahaan kuwa caadeystey Aflaagadaada.

Dhinaca kale ma jiraan wax xurguf siyaasadeed ah oo ka dhexeya Warbaahinaha Degaanada SSC & Kuwa Gobollada Jubooyinka Iyo Gedo balse waxaan aqoonsan waynay ujeedka ka dambeeya ee kalifaya in Warbaahinta Degaanada SSC ay faafiyaan warar u badan aflagaado isla markaasna ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee ka dhex taagan warbaahinta degaanada Gedo & Jubooyinka iyo kuwa Kilinka 5-aad & Gaarisa.

Warbaahinta Allgalgaduud ma jecla mana daneyneyso inay soo bandhigto wax lid ku ah ama ceeb iyo eedeyn ku ah dadka dega Degaanada SSC & Nawaaxigeeda waxaana ay inta badan xeerisaa masuuliyiinta ka soo jeeda degaanadaasi balse arrimahaasi waxay u muuqdaa kuwo hadda boorka laga jafayo isla markaasna abuurta Xamaasad iyo in layska aflagaadeyo waxyaalo aan habooneyn.

Dhinaca waxaan aqoonsan weynay inay nagu qaldayaan Somaliland iyo Puntland oo xurguf  siyaasadeed ka dhexeyso,waana arrin aad loola yaabo mararka qaarkood markaad booqato oo ku arkayso aflagaado iyo eedeyn loo jeedinayo masuuliyiin iyo waxgarad ku abtirsadda degaanada Gedo iyo Jubooyinka. Mararka qaarkood waxaad is dhahaysaa Ma Reer Gedo Iyo Jubooyinka baa noqday Reer Somaliland oo ay warbaahinta isu marin jireen dacaayado iyo aflagaadooyin.

Ugu dambeyntii waxaanu u sheegeynaa Qorayaasha Shabakadahaasi qaarkood inay gartaan Waxa ka rakibmi doona aflagaadeynta iyo wax u dhimista waxgaradka iyo siyaasiiyiinta la aflagaadeynayo isla markaasna qoraa kastaa xaq u leeyahay inuu soo bandhigo waxyaalo aan habooneyn in saxafada loo soo bandhigo.

hoos ka daawo waa kuwii uga gafka yaraa ee ay qoraan uguna dambeeyey.

Halkan Guji Si Aad U Aragto Gafka Ay Geeysanayaan Warbaahinta SSC.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com