Ma Uu Jiro Wax Heshiis Ah Oo Dhexmaray Dowladda Soomaaliya Iyo Horjoogaha Falaago Beeleedka Raaskambooni.

0

top-newsWarar maalmahan leeysla dhexmarayay ayaa waxaa lagu sheegayay in dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madooobe uu heshiis ku dhexmaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Baaritaan dheer oo ay sameeysan warbaahinta caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa waxa ay dhamanatood ku soo gabgaboobeen in warka lagu soo daabacay qaar kamid ah warbaahinta Soomaaliyeed ay yihin kuwo been ah oo uu jirin wax heshiis ah oo dhexmaray Dowladda iyo Axmed Madoobe oo ah horjoogaha falaago beeleedka Raaskambooni.

Mar aan xiriir la sameeynay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay inoo sheegeen “Dowladda Soomaaliya ma,ahan mid ku shaqeeyneeysa rabitaanka shaqsi amaba koox gaar ah ee dowladdu waxa ay ku shaqeeynaysaa Rabitaan shacabka deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo”. waa sid auu hadalka u yiri mid kamid ah masuuliyiinta sare ee aanu wareeysanay.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale la xiriirnay masuul sare oo aad ugu dhow xafiisyada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Soomaaliya waxa uuna yiri “Dowladda Soomaaliya raali kama ay noqonayso in lagu tunto xuquuqda dadka Soomaaliyeed gobolkeey doonaan ha dagaan’e, dowladduna ma diidana dadka inay maamulo sameystaan oo iyaga dooqooda wax ku doortaan, balse dowladda arrimaha Jubbooyinka in mudo ah ayay ka digtay waxa ayna sheegtay waxa ka socday inaysan ahayn wax waafaqsan sharciga amaba ku yimid rabitaanka dadka deegaanka daga, nasiib daro dhagna jalaq looma siin seey doontaba haku dhacdo’e cawaaqib xumadi ka dhalatayna waa ay socotaa weli, mana ay jiraan wax heshiis ah oo dhexmaray dowladda iyo Axmed Madoobe, warkaasina waa war aan xikmadeeysnayn”. waa sida uu u yiri masuulkan isna ku sugan gudaha magaalada muqdisho.

Sidoo kale waxaan ka wareeysan heshiiskan ay sheegayaan qaar kamid ah warbaahinta xaqiiqdiida aqoonyahan iyo nabadoon ku sugan gudaha magaalada Muqdisho waxa ayaguna hoosta ka xariiqeen warkaasi inuu yahay war aan jirin islamarkaana dadka qaarkood ay niyada isugu dhisayaan in Axmed Madoobe uu noqonayo gudoomiyaha maamul KMG ah oo ay yeelanayo gobolada Jubbooyinka.

Nabadoonka oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu yiri “wax caqli galaya ma uu aha warkaasi, Axmed Madoobe iyo maleeshiyadiisa Soomaalida dagta gobolada Jubbooyinka iyo gedo u joogi maayaan madaxna u noqon maayaan ninki qaba fikirkaasna hadde fili maayo in ay yihiin dad dhameeystiran, sababtoo ah Kismaayo waxa ka dhacay ayay moogyihiin, ma kula tahay mase kuula eg tahay habdhaqanka Axmed Madoobe iyo maleeshiyo beeleedkiisa kuwo  rajo ka qaba xataa inay ku waraanaa gobolada Jubbooyinka, Adeer waa inaad ogaataan waa faro ku tiris waxay sii joogaan Jubbooyinka nimankan”. waa sida uu hadalka u dhigay Nabadoonka.

Dadka qaarkii ayaa waxa ay qabaan amaba aaminsan yihiin maalmahana isu sheegayeen  in uu heshiiskan dhacay mida ayayse hilmaameen oo ay xisaabtaba ku darsan, haddii ay dowladda Soomaaliya qanciso Axmed Madoobe iyo Maleeshiyo Beeleedkiisa, Dowladdu maxay ku qancineeysaa dadka Soomaaliyeed ee daga gobolada Jubooyinka ee xasuuqa iyo bililiqada baahsan ay u geeysteen Axmed Madoobe iyo falaago beeleedka Raaskambooni? soona dhici meeyso in fashil ku yimaado dowladda Soomaaliya ayna abuurmaan kacdoon ka dhan ah Dowladda Soomaaliya iyo Raaskambooni in uu ka curto Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Isku soo wada duuboo xaqiiqo waxaa ah in bataatanba uu jirin wax heshiis ah oo dhexmary dowladda Soomaaliya iyo horjoogaha falaago beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com