Xasan Qaasim Warsame "Magaalada Kismaayo Dhawaan Ayay Gacanta Dowladda Soomaaliya Soo Galysaa".

0

topnews4Muqdisho (AGGM): Saraakiisha Ciidamada DFS eek u sugan duleedka magaalada Kismaayo ee xaruunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegeen ineey qorsheeynayaan in weerar xoogan ay ku qaadaan magaalada Kismaayo.

Xasan Qaasim Warsame  kamid ah Saraakiisha dowladda oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa waxa uu sheegay ineey ku jiraan is abaabulkii ugu danbeeyay goordhowna ay rajeeynayaan ineey gacantooda soo gasho magaalada Kismaayo oo horay gacantooda looga saaray, waxaana uu xusay sarkaalkaan in dagaalka ugu xoogan ay la gali doonaan Ciidamada Kenya ee garabka siinaya Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu horjoogaha u yahay Axmed Madoobe.

“Is abaabul kadib qorshaheena waxa waaye inaan dib ugu laabano magaalada Kismaayo, waxaana duulaan u nahay inaan dib u hanano gacan ku haynta dhamaan Gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri Sarkaalkaan katirsan Ciidamada DFS.

Sidoo kale Sarkaalkaan ka tirsan Ciidamada DFS ee ku sugan duleedka Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo kaliya ay ku xirantahay amar ay ka helaan madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in awoodii ay lahaayeen marka laga soosaarayay magaalada Kismaayo mid ka xoogan ay haatan leeyihiin.

Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxaa si buuxda u maamula maamulka Axmed Madoobe oo garab milatari iyo taageero aan gabasho lahayn ka helaya Ciidamada Kenya oo iyaga wata magaca AMISOM laakiin ay dowlada Federaalka dhowr mar ku eedeysay ineey qayb ka yihiin dagaalada ka holcaya magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com