Nairobi (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ee xarumaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ay heeystaan sirdoonka reer galbeedka kadib marki ay sirdoonka wareeysi la yeesheen Gudoomiyihii Hore Ee Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweeys ayaa waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu gacantiisa ku dilay Sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Australia ahaana ganacsade caan ka ah UN-ka oo lagu magacaabi jiray David Morris balse lahaa hay’ad samafal iyo dad kale oo reer galbeed ah waagii uu ka tirsanaa ururo diimeedki mayalka adkaa ee Al Itixaad Maxakamadihi Islaamiga iyo Xisbul Islaam.
Morris ayaa waxa kale oo uu UN-ka kala soo shaqeeyay Soomaaliya iyo CAMBODIA intaan isaga la dilin waxaa ka horeeyay oo Afgooye lagu dilay wiil uu dhalay oo la oran jiray Tyson Morrison oo 21 jir ahaa, David Morrison waxaa lagu dilay “Kudhaa”, waxaana dilkiisa la sheegay inay ka dambeeyeen Islaamiyiinta Mayalka Adag, Axmed Madoobe marki uu ku xirnaa Addis Ababa ayaa wax laga weeydiiyay dilka Morris waana uu inkiray waxa uuna farta ku fiiqay inuu dilkaasi geeystay wadaadka xagjirka ah ee ay ilmo adeerka yihiin waa Xasan Turki oo uu markaas la socday.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kadib marki wareeysi dheer lala yeeshay Gudoomiyihi hore ee Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweeys ay sirdoonku heleen xog fara badan oo ay kamid tahay xogta ah inuu Axmed Madoobe gacantiisa ku dilay ninka lagu magacaabo Morris iyo dad kale oo reer galbeed ah oo dalka Soomaaliya uga hoowlgali jiray magacyo Hay’ado Samafal balse ahaa Sirdoonka reer Galbeedka.
Islamarkiiba qaar kamid ah sirdoonka reer galbeedka iyo kuwa Soomaaliya ayaa waxa ay u duuleen dhanka magaalada Nairobi iyaga oo durbaba wareeysiyo la yeeshay Axmed Madoobe, kadib wareeysiyadaas ayaa waxaa Axmed Madoobe lagu amray inuusan ka tagi karin amaba ka safri karin magaalada Nairobi waqti walba oo ay u baahdaana Ciidamada Sirdoonkana aysan waayi karin magaalada Nairobi.
Dhinaca kale waxaa la soo sheegayaa in Sirdoonka reer galbeedka ay wargaliyeen dhamaan xubnihi ka tirsanaa iyo dowladdihi ku baratamayay Jubbaland in Axmed Madoobe xiriirka loo jaro madaamada uu yahay nin gacantiisa ku dilay saraakiil ka tirsan sirdoonka reer galbeedka.
Warkan ayaa waxaa kaloo lagu sheegay bililiqada,dilka iyo kufsiga ka socda magalaada Kismaayo inay salka ku hayaan arrimo hore iyo caro ay ka qaadeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni xayiraada safarka ee lagu soo rogay Axmed Madoobe maadaama uu ka bixi karin magaalada Nairobi.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya Sheekh Awlibaax inuu ku soo wajahan yahay gobolka Gedo si uu ulla kulamo saraakiil ka tisan ciidamada Itoobiya oo ku sugan gobolkaasi.
Isku soo wada duuboo waxaan ilaa hadda la shaacin xogtan uu ka bixiyay Sheekh Xasan Daahir Aweeyn Axmed Madoobe inta ay le’eg tahay waloow aanu si hoose ku helnay inay kor u dhaafayaan 130 warqadood, waxaana leeys weeydiinayaa dhawaaca ay u geeysan karto hamigi sii burburayay ee Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee ahaa Jubbaland.
Halkan Guji Si Aad Akhrisato David Morris Qofkuu Ahaa Iyo Cida Ka Dambeeysay Dilkiisa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com