London(AGGM) Hay’adda Xuquuqda Aadanaha qaabbilsan ayaa sheegtay in loo diiday in ay booqato 12 Soomaali ah oo ku xiran Mauritius.Waxaana la sheegay in ciidamada dalka Mauritus ay dhawaan dadkaasi gacanta ku dhigeen isla markaasna xabsi u direen isla markaasna ay diidan yihiin in dadkaasi la soo booqdo.
Hay’addaha u dooda xaquuqul insaanka ee dalkaasi ka dhisan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada dadka Soomaalida ah ee ku xiran wadankooda,waxaana ay sheegeen inay ku guul dareysteen in dawladu u ogolaato in wareysi lala yeesho dadkaasi oo mudo ku xiran xabsi ku yaala wadankaasi.
1. Abdeoulkader Mohamed Ali, 22 years old
2. Said Mohamed Hassan, 23 years old
3. Ahmed Mohamed Ismael, 27 years old
4. Shafi Mohamed Osman, 22 years old
5. Hassan Salad Omar, 25 years old
6. Said Omar Farah, 22 years old
7. Mohamed Abdiahi Ahmed, 45 years old
8. Ali Hassan Mohamed, 21years old
9. Abdi Mohamed Kidiye, 37 years old
10. Abdi Ahmed Yussuf, 20 years old
11. Abdillahi Mohamed Ahmed, 24 years old
12. Mahad Mohamed Ibrahim. 21 years old-
Ugu Dambeyntii Jasiiradaan ayaa waxaa ay ka mid tahay wadamada ay midowga yurub heshiiyada kula galeen in lagu maxkamadeeyo Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida marka gacanta lagu soo dhigo. Mauritus waxay ku taala qaarada Afrika waxaana Midawga Yurub ay kula heshiisay inay burcad badeeda Maxkamadeeyaan.
Isha Ku hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com