Afhayeenka Falaagada Al Shabaab Cali Dheere: "Weerarkii Ka Dhacay Guriga Shaqaalaha Turkida Lix Ruux Ayaan Ku Dilnay".

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Falaagada mayalka adag ee Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu isagu ka dambeeyay qaraxii is miidaaminta ahaa ee loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kana dhacay xarunta shaqaalaha safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay falaagaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in weerarkaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen lix ka tirsan shaqaalaha Turkiga.

“Weerarkii shalay waxaa ku geeriyooday lix ka tirsan shaqaalaha Turkiga iyo dhaawacyo badan” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in Dowladda Turkiga ay qeyb ka tahay wax ay ugu yeertay cadowga Islaamka.

Waxa uu sheegay afhayeenka falaagada Al-Shabaab in weerarkaasi ay qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab kuwooda qaabilsan is miidaaminta, wuxuuna ku tilmaamay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho inuu Dowladda Turkiga u yahay digniin.

“Turkiga haddii ay joojin waayaan howlaha ay ka wadaan dalka iyo taageerada cadowga waxay la kulmayaan weeraro soo noqnoqda” ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay dhinaca kale in weerarkii shalay uu ahaa mid khasaare ballaaran u geystay shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho ku sugan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com