Dagaal Xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Garbahaareey.

0

Dagal-kismayoGarbahaarey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalo madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey ayaa waxa ay sheegayan in xalay Dagaal la isku adeegsadya hubka noocyadiisa kala duwan socdayna waqti kooban ayaa waxa uu xalay ka dhacay magaalada Garbahareey ee xarunta gobolka Gedo.

Garbahaarey waxaa ku wada sugan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Ciidamada Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo in mudaa kuwada sugnaa magaalada Garbahaareey kadib markii ay halkaasi ku soo galeen howlgalo ka dhan ah Al-shabaab mud hore.

Weerarkii xalay waxaa lala eegtay xarunta WFP,  ee magaalada Garbahareey oo fariisin u ahayd ciidanka Dowlada halka weerarka qeybtiisa labaad u ka dhacay Garoonka diyaaradaha oo ay ciidanka Itoobiya daganyihiin .

Waxaa la maqlayay hub culus o labada dhan is dhaafsanayeen iyo rasaas si aad ah u dhacaysay waxaana dadka ay ku abuurtay cabsi iyo wal wal waloow ay markii danbe iskeed u qaboowday

Weerarkii xalay lama shaacin wax qasaaraa oo ka dhashay waxaana xariir aan la samaynay lagu sheegay in alshabaab ay weerarka soo qaadeen balse aysan qasaarihii ay rabeen u gaysan ciidamada ay weerareen sida u sheegayo mid ka mid ah saraakiisha ciidanka dowlada oo magaciisa qariyay.

Waxaa jira warar ka madax banan labada dhan oo sheegaya in uu jiro qasaaro soo gaaray labada dhan balse ilaa iminka si dhab ah looma shaacin.

Isku soo wada duuboo magaalada Garbaharey ayaa waxa ka soconayay maalmihii la soo dhaafay abaabul ciidan oo ku wajahan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere sidii loogala wareegi lahaa gacanta falaagada Al-shabaab looga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com