WARSAXAAFADEED:- Midowga Yurub oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Alshabaab

0

War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Midowga Yurub ayaa looga hadlay weerarkii Al-shabaab masuuliyadiisa ay sheegteen oo habeen ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Midowga Yurub ayaa sheegay in weerarkii habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa mid lagu bartilmaameydsaday dadka aan waxba galabsan ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa tacsi loogu diray ehelada dadkooda ku waayay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana caafimaad loogu baryay dadka dhaawacyada ay soo gaareen.

Sidoo kale war-saxaafadeedka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay iney ka go’an tahay taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowlada Soomaaliya, ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo dhamaan bulshada caalamka iney u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa balanqaaday iney gacan weyn ka geysan doonaan dadaalada nabadeed ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Arinta ayaa kusoo aaday iyadoo Midowga Yurub shalay uu shaaciyay inuu dhimayo dhaqaalaha uu siiyo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.