Axmed Max’ed Iimaan, Agaasimaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxaa uu ka codsaday Kalluumesatada Soomaaliyeed in ay Wasaaradda ka gacansiiyaan sidii loo ogaan lahaa Maraakiibta sida sharci darrada ah u gurta Kheyraadka Badda Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa ka codsaday Kalluumeysatada in ay adeegsadaan Kaamirada qarsoon islamarkaana ay Sawirro ka qaadaan Maraakiibta,iyaga oo Sawiradaya magaca ku qoran Markabka Calanka uu wato iyo falka uu markaasi ku guda jiro.
Agaasime Axmed ayaa sheegay in dalal badan oo ay ka mid yihiin Cumaan Siishalis,Kenya iyo Yemen ayuu sheegay in Maraakiibta Kalluunka Soomaaliya gurta ay deg deg halkaasi ku tagaan,i8slamarkaana laga dejiyo Khalluumeysiga Sharci darrada ah.
Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya ay kalluumeysatada ka caawineyso in ay helaan adeegyo Kalluumeysi oo casri ah islamarkaan adadaal u galeyso in Kalluumeysatada horumariyaan xirafaddooda Kalluumeysiga.