Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ka warbixiyay howl galo ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaada Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Gudoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig shigoow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in rag iyo hub ay wateen ay gacanta ku soo dhigeen.
Waxa uu sheegay in dadka ay soo qabteen ay ahaayeen Al-shabaab isla markaana ay wadada sharciga ah marinayaan.
Waxa u sheegay in ciidamada maamulka koofur galbeed oo gaashanaya Ciidamada dowlada federaalka soomaaliya ayaa sheegay in dadaal dheer ka dib ay ragaasi iyo hubkii ay wateen gacanta lagu so dhigay.
Ciidamada maamulka koofur galbeed soomaaliya oo kaashanaya ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday howl galo ka dhan ah Al-Shabaab.
Hoos ka Dhageyso Codka:-