DHAGEYSO WAREYSI:- Ahlu Sunna oo sheegtay War aan la fileyn ”Dagaalkii shalay waxaa nagu soo qaaday Ciidamada Dowlada,Alshabaab iyo Kuwa Galmudug oo garab ah”

0

Madaxa warfaafinta maamulka Gobollada Dhexe Muxudiin Cali Jimcaale ‘’Jakuula’’ ayaa ku eedeeyay Ciidanka dowladda Federaalka in ay ka qeyb qaateen dagaalkii shalay ee Magaalada Dhuusamareeb.

Muxudiin ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka dowladda oo looga baahnaa in ay qeyb ka qaataan nabad gelyada dalka iyagu ay hormuud  ka yihiin colaadaha waddanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Magaalada Cadaado ay tahay meesha laga abaabulo dagaalada ka dhaca Gobollada Dhexe halkaas oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA