Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa ka hadlay amaanka magaalada Baydhabo iyo sida looga adkaan karo dadka falalka amni dari ka geysta magaalada Baydhabo.
Shariif Xasan Sheikh, ayaa sheegay in amaanka magaalada Baydhabo lagu xaqiijin karo wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta shacabka magaalada Baydhabo iyo laamaha amaanka, si looga hortago weerarada iyo qaraxyada Alshabaab ay geystaan.
Wuxuu ka dalbaday shacabka magaalada iney si wanaagsan ula shaqeeyaan hayadaha amaanka si loo damaanad qaado amnigooda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in magaalada dhexdeeda inta badan inaan laga abaabulin falalka dhacaya.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii qaraxyo dad ku dhinteen ay ka dhaceen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-