Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio.
Waxaa hoolka ay Xaflada ka dhaceysay ku sugnaa dadweyne aad u fara badan iyo Masuuliyiinka magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio.
Waxaa ka hadlay Xaflada Masuuliyiinta Jaaliyada, Madaxda ururada, siyaasiyiin, Oday dhaqameed, iyo Culumo waxaya dhamaantood si diiran usoo dhaweeyeen Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Wafdigiisa.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo Xaflada soo dhaweynta khudbad ka jeediyay ayaa marka hore u mahad celiyay Soomaaliyeed eek u soo dhaweeyay magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio.
Waxa uu sidoo kale Jaaliyada Soomaaliyeed magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio u sharaxay xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland.
Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas tago magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio tan iyo markii xilkaasi loo Magacaabay.
Hoos ka Daawo Sawirada:-