Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu meel fiican marayo shirkii maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen magaalada Kismaayo Siyaasiyiinta Beesha Sade.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shirkan Siyaasiyiinta Beesha Sade ay ku gaareen Heshiis iyo Midnimo taas oo muhiim u ah danta guud ee beesha Sade iyo dhamaan dadka daga deegaanada Jubbaland.
Siyaasiyiinta Beesha Sade ee ku shirsan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay shalay sheegeen in lasoo afjaray gabi ahaan khilaafki u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Beesha Sade waxii shalay ka dambeeyayna loo dhaqaaqay u adeegida Midnimada iyo Wadajirka beesha Sade.
Dhinaca kale Shirkan oo maraya wajigiisi ugu dambeeyay ayaa waxaa maanta Kulan ay yeesheen Siyaasiyiinta Beesha Sade loo saaray gudi cusub oo soo xula gudiga beesha Sade uga qaybgalaya wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbaland, gudigan cusub ee manata la saaray ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda haddii ay soo dhameeyaan hoowsha loo idmaday in si toos ah loogu gudbi doono wejiga labaad ee shirka Dib u heshiisiinta Jubbaland.
Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in shirka maalmihi la soo dhaafay Siyaasiyiinta Beesha Sade uga socday magaalada Kismaayo uu noqday mid miro dhala oo ay kasoo baxeen Heshiis iyo Midnimo ay Siyaasiyiinta Beesha gaareen, taas oo horumar iyo guul u ah dadka beesha Sade iyo dhamaan dadka, deegaanada iyo maamulka Jubbaland.