UPDATE:- Horjooge Al-Shabaab ka tirsan oo Mareynkanka uu sheegtay inuu Dilay oo beeniyay warkaasi

0

Guddoomiyaha Al-shabaab ugu Magacaaban Gobolka Hiiraan Maxamed Mire oo Dowladda mareykanka ay horay u sheegtay in ay ku dishay Duqeyntii Diyaaradaha ee ka dhacday Tuulooyinka Raaso Ceel-dibi oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa beeniyay inuu ku dhintay Duqeyntii Mareykanku uu fuliyay.

Ninkaan lagu Magacaabo Maxamed Mire ee Shabaab ugu Magacaaban Gobolka Hiiraan oo la hadlay Dad ku nool Buqaqable ayaa sheegay in Mareykanka uu hadda kordhiyay Duqeynta dhanka Cirka ah ee lagula jiro Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan Shaacisay in Duqeyn Diyaaradeed ay ku Dishay 150 Shabaab ah oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Ee Shabaab iyo Madaxii Tababarada ee Shabaab.