QM oo Eedeyn u jeedisay Dowlada Burundi iyo Warbixin dheer oo laga soo saaray

0

Qaramada Midoobeey ayaa waxa ay dowladda Koofurta Sudan ku eedeysay inay fulisay siyaasad dad gubis ah.

Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Qramada Midoobeey waxa ay sheegtay in xadgudubyadaasi ay dhalinayaan dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini-aadamnimada.

Waxa ay sheegeen in dadka shacabka ah si ulakac ah loo bartilmaameedsaday.

Waxay intaa ku dareen in kumannaan qof la dilay, iyo in hanaan ahaan kufsiga loo adeegsado sida hubka dagaalka oo kale.

Warbixinta Qaramada Midoobeey waxa ay shaaca ka qaaday in kiisaska qaar taageerayaasha dowladda loogu ogolaaday inay dumarka iyo gabdhaha kufsadaan.

Waxa ay war bixinta intaa raacisay in ficilada noocaas ah lacag lagu siiyay dadka sameeyay.

Dagaalka Sokeeye ee Koofurta Sudan waxa uu bilowday 2013kii kaddib qilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha dalkaasi ee Salva Kiir iyo ku xigeenkiisaa Rieck Machar.

Warbixin ay sidoo kale maanta soo saartay hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dawladda Koofurta Sudan ay si ula kac ah cubur ugu dishay 60 rag ah oo ay ku dhax xirtay koontaynarka maraakiibta.

Maydadkooda ayaa waxaa lagu daadiyay duleedka magaalada Leer ee gobalka Unity, State sida ay sheegtay Amnesty International.

Baarayaal ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in ay haleen qalfoofka dadkaasi ay dawladdu dishay bishii October ee sanadkii la soo dhaafay.

Qaraabada dadkaasi la dilay ayaa hay’adda u sheegay inay isugu jireen ganacsato iyo ardo oo aanay ku lug lahayn dagaalada.

Dawladda wax jawaab ah kama bixin eedaymahani.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay dalkaasi, malaayiin qofne way ku barakaceen tan iyo markii colaadda ay ka billaabatay sanadii 2013-ka