Fashil: Aw Libaax Oo Fashiliyey Sir Badan Oo Uu Laha Axmed Madoobe

0

awlibaax-roma1221Kismaayo(AGGM) Sheikh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo kamid ah Hogaamiyayaasha Ahlu Sunna Waljameeca, ayaa waxa uu sheegay in Hoggaamiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Madoobe uu damacsan yahay inuu ka goosto Xukuumadda Somalia.

Aw-libaax waxa uu sheegay in Ujeedka Axmed Madoobe uu yahay in Kismaayo lagu daro Dalka Kenya, isla markaana Magaalladda Kismaayo, ay howl ka qabsadaan Ciiddamadda iyo Dowladda Kenya.

Sidoo kale, Aw-libaax oo ay dhawaan kala irdhoobeen Axmed Madoobe, ayaa waxa uu Tilmaamay in Axmed Madoobe uu wado Qorshe ka duwan kan ay damacsan tahay Xukuumadda Somalia oo ah in dalka la mideeyo, isagoona sheegay in Xukuumadda iyo Ahlu sunna looga baahan yahay inay iska kaashtaan Howlaha uu gacanta kula jiro Axmed Madoobe.

Dhanka kale, waxa uu Aw-libaax sheegay in Axmed Madoobe, uu damacsan yahay in gabi ahaan Ciiddamadda Kismaayo, laga diiwan galshay Wasaaradda Gaashandhiga Dalka Kenya, sidaasina Kismaayo looga howlgalsho Ciiddamo Somali-Kenya ah.

Ugu dambeyntii, Aw-libaax, waxa uu ka digay qatarta ka imaan karta damaca Axmed Madoobe ee ku aadan Kismaayo,Sidoo kale waxaa u Awlibaax Shaaciyey inay jiraan dambiyo reer Galbeedku u haystaan Axmed Madoobe kuwaasi oo isugu jira dilal iyo afduub xilligii uu ahaa taliyihii ciidamadii Shiikh Xasan Turki.

Xigasho: Daldoon.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com