TOP NEWS:- Maamulka Jubbaland oo sheegtay inay dileen Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab

0

Saraakiisha Nabad Suggida Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in weerar qorsheysan ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo Saddex Askari oo kale oo Shabaabka ka mid ahaa.

Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed (Carab) ayaa u sheegay Warbaahinta howlgal qorsheysan oo ciidamada Jubbaland galabtii Axada ay ku qaadeen deegaanka Shandarmood ee duleedka Magaalada Kismaayo in lagu dilay Sarkaalkaasi.

Sarkaalka Shabaab ee weerarkaasi lagu dilay ayeey Jubbaland ku sheegtay in lagu magacaabi jiray Bashiir Garweyne, madaxna uu ka ahaa ciidamada Lugta Shabaab ee ka howlgala Jubbooyinka.

Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ayaa tilmaamay howlgalka lagu dilay Sarkaalkaasi oo ahaa mid qorsheysan inay qaadeen ciidamada Nabad Suggida Jubbaland, ayna xaqiijiyeen inay dileen Bashiir Garweyne iyo saddex Askari oo kale.

Majirto ilo ka madaxbanaan Saraakiisha Nabad Suggida Jubbaland oo xaqiijinaya sheegashada ku aadan nin lagu magacaabi jiray Bashiir Garweyne inay dileen ciidamada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmahan dambe ku goodinaayay inay qaadayaan guluf dagaal oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, si Shabaabka looga saaro deeganada Jubbooyinka ay ka joogaan.

Xoogaga Shabaab ayaa dhankooda weerar qorsheysan ku qaada Magaalada Kismaayo, gaar ahaan waxa ay beegsadaan Xarumaha ciidamada ay ka degan yihiin duleedyada Magaalada Kismaayo.