DHAGEYSO WAREYSI:- Xukuumada Soomaaliya oo ka jawaabtay Eedeymaha kaga yimid Madaxda Puntland

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Al-Shabaabkii la wareegay deegaano ka tirsan Gobolada uu maamulaan Maamulka Puntland.

Ra’isal wasaare ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar carte oo Wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa ka hadlay Eedeymaha Dowlada usoo jeediyeen Madaxda Puntland.

Waxa uu Madaxda Puntland ugu baaqay iney Dowlada Dhexe la gaashadaan sidii loogu guuleysan lahaa Al-Shabaab isla markaana loogu hor tagi lahaa Weerarada iyo dagaalada ay dalka Soomaaliya ka geystaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in been abuur tahay warka ka soo baxay Maamulka Puntland eek u aadan in Dowlada ay wax ka ogeyd in Al-Shabaab ay qabsadan deegaano ka tirsan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-