Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa maanta ku kulmay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating, Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta, Maxamed Al Cusmaan, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D’ Urso, Danjiraha Britain, Harriet Mathews, iyo Danjiraha Turkiga, Olgan Bekar.
Kulanka ayaa looga hadlayey sidii beesha caalamka ay taagero u siin lahayd ciidamada qaranka Soomaaliya.
Xubnihii caalamka ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska ciidammada qaranka.
Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca amniga ee dalka ka jira iyo xoojinta hawlgallada lagu cirib-tirayo kooxaha nabad-diidka.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay wakiilladaasi caalamiga ah doorka ay ka qaadanayaan taageerada ciidammada Soomaaliya iyo dib u dhiskooda, isagoo sheegay in taageeradaasi ay muhiim u tahay in ciidammada qaranka ay si dhib la’aan ah mustaqbalka dhow ugala wareegaan AMISOM sugidda amniga waddanka.