Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bananan ee Xuduudaha Khaliif C/Kariin Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in ay jirto caqabad ka hortaagan Guddigaasi in ay tagaan qaar ka mid ah dhulalka ay ka arimiyaan Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ka hor inta aysan sameyn xuduudo in ay tahay in ay bulasha dhexdeeda ka sameeyaan xog aruurin ku aadan Soohdimaha ay sameyn doonaan.
Wali waxaa jira muran dhinaca xuduudaha ah oo u dhaxeeya Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Maamulka Puntland ayaa horay u diiday Guddiyo dhowr ah oo uu ka mid yahay Guddiga Xaduudaha iyo federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-