Sarkaal sare oo ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee ka dagaalamaya dalka Yemen, in ay masuul ka yiin laba laab khasaaraha soo gaaray dad badan oo shacab ah, haddii la isku geeyo dhammaan xooggaga kale ee halkaa ka jira.
Madaxa guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay, Zeid Ra’ad al Hussein, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ah ay ku dhaceen suuqyo, isbitaalo, goobo caafimaad, iskuulo, warshado iyo xaflado aroosyo taasi oo ah mid aan la aqbali Karin.
Waxa uu sheegay in ay suurgal tahay in xubna ka tirsan xulufada ay galeen waxa uu ugu yeeray dambiyo caalami ah.
Hadaladiisan ayaa waxa ay daba socdaan duqeyma cirka ah oo horaantii todobaadkan ay meel suuq ah ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.