Maxkamadda caalamiga ee danbiyada ee (ICC) ayaa hogaamiye hore ee Congo, Jean- Pierre Bemba, ku heshay danbi dagaal dacwad uga socotay.
Mr Bemba ayaa lagu eedeeyay inuu ku guuldaraystay inuu joojiyo mucaaradka inay ka sameeyaan dil iyo kufsi Jamhuuriyada Afrikada Dhexe sanadkii 2002 iyo 2003 -da.
Wuxuu u diray in kabadan 1000 dagaalyahano.
Mr Bemba, oo ahaan jiray madaxweyne ku xigeen Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo ayaa xabsiga ku sii jiri doona ilaa laga xukumayo.