Kudhawaad 10 qof ayaa la dilay isku dhacyo ka dhacay Waddanka Bangladesh kadib markii ay doorashada waddankaasi bilaabatay.
Iskudhacyada ayaa dhexmaray taageerayaal murashaxiinta xilka dooneysa oo ay ulo iyo dhagaxaan isla dhaceen sida warbaahinta ay sheegeen.
Warar kale ayaa sheegaya in 7 qof ay toogteen Ciidanka Amaanka Talaadadii Shalay kadib markii ay isku dayeen arbushaad ay ka sameyn rabeen meelo ay yaaleen sanaadiiqda Codbixinta loogu talo galay.
Sargaal uhadlay Booliska oo lagu magacaabo Waliid Xuseen ayaa sheegay in Kumanaan qof ay weerar ku qaadeen Meel ay Ciidanka Boolisku ku ilaalinayeen Sanaadiiqda Codadka lagu dhiibto markii dambena ay xaaladu noqotay in rasaasta nool nool la adeegsado.
Booliska ayaa sidoo kale la sheegayaa in Labo qof ay ku dileen Magaalada la yiraahdo Sabrang.
Shan qof kale ayaa lagu dilay isku dhacyo siyaabo kala duwan uga dhacay waddankaasi.