DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo si diiran usoo dhaweeyay Heshiiskii Kismaayo lagu gaaray

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si weyn usoo dhaweeyay shirar ka dhacay magaalada Kismaayo oo hishiis ay ku gaareen mid kamid ah beelaha daga Jubbaland iyo maamulkiisa.

Hishiiskaasi ayaa ahaa mid ku saleysan awood qeybsiga maamulka beelaha daga deegaanada Jubbaland, waxaana kala saxiixday siyaasiyiin ka soo jeeda Gedo iyo maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hishiiska la kala saxiixday, wuxuuna ku baaqay in beelaha kala duwan ee gobolka ay ku qancaan.

Jubbaland ayaa dadaal dheeraad ah u gashay iney la hishiiso mid kamid ah beelaha daga gobol Gedo siyaasiyiintooda ugu sareeyo, maadaama maamulkooda ay dhaliilsanaayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-