Maanta oo kale 29 Maarso sanadkii 2007, magaalada Muqdisho waxay marti galisay mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraar ee abid soo maray tan iyo intii uu dalku caga la galay marxada burburka .
Kadib Markii si lama filaan ah uu qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamadii IToobiyaanka ee kaalinyay Dowladii kumeel gaarka heyd ee uu madaxwenaha ka ahaa Col C /laahi Yusuf Axmed iyo kooxii la oran jiray Muqaawamada ee diidanaa jiritaan dowladaasi iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya.
Dagaalkaasi ayaa dilaacay markii ciimada Itoobiya oo wata gadiidkooda dagaal ay guluf culaadeed ay ku soo qaadeen heeraha gegida ciyaaraha ee Muqdishu Stadium kadibna xoogag hubaysan oo ka biya diidanaa is fidintooda ayaa kala hor yimid dagaal faraha looga gubtay .
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay isgoyska Towfiiq, dhimbilaha rasaasta iyo dhuxushii halkaasi lagu iibin jiray ayaa mar qura is qabsaday taasoo goobta ka dhigtay meel nabaad guur ka dhacay.
Maalin ka dib oo halkaasi aan soo maray waxay dhaayaheygu qabayeen tiro midad ah oo ka tirsan Milataarka Itoobiya oo wadada dhinaceeda yaala.
Colaadaas ayaana billaw u ahay silsilado dagaal ah oo mudo sagaal maalmood ah socday . soomaalidu waxay tiraa “ Laba maroodi meesha ay ku dagaalamaan waxa ku gacan gala cows” Dadka rayid ayaana iska hor imaadkaasi ka dhexlay khaasaaro isu dheehan dhimasho iyo dhaawac .
Dhaawacadii ka dhashay dagaalkaasi ayaa buux dhaafiyay isbitaaalada Muqdisho, Halka meydadkiina xabaalo wadareed la sameeyay . maalinkaasi waxii dhacay Marna laga sheekeyn yaqaan .
Sidoo kale dagaalkaasi ayaa sababay barkaca in ka badan 1 malyan oo ruux oo maciin baday gagi cidla ah meel aan guri iyo gabaad toona laheyn .
Firxadka dadkii ka cararay dagaalkii la magacbaxay Fooryaaye ayaan inta badan waxay gaareen Deegaanka Ceelasha biyaha iyo guud ahaan Gobalka Shabeelaha Hoose, Halka kuwa kalena a wajaheen gobalada kale ee Dalka.
Xasuusteyda dhacdooyinka Nexdinta leh ee dalkaasi ka dhashay waxaa ka mid ah hooyo intii ay si halhaleel ay xabada ugu cararreysay xambaarsatay mukulaal halkii ay ka xambaarsan lahey unug yar oo ay dhashay.
Sidoo kale dagaalkaasi waxa uu si wadar ah u salfay nolosha qoysas badan ka gadaal markii ay ku habsadeen madaafiidii la is weydaarsanyay.
Maalinba maalinta xigtaa dagaalku waxa uu ku baahayey aagag cusub, gurmadka ay halayaan garabyada is hayana waa sii balaaranayay .
Iyadoo xaalku cakiran yahay goobaha lagu dagaalayna meydku is garab yaalaan ayaa Guddi xal doon oo dhincayada is hayaa kala matalayay waxay qalinka ku duugeen xabad joojin.
Inkasta oo mudo 9 sano ah hada laga joogo dagaalaasi wali muqdisho waxa ka jira qaraxyo gaysanaya khasaaro xoogan .
Qaraxyada ismiidaanminta ah oo ay fulinayaan dadka naftooda huraya ayaan bilaawday isla maalmahaasi sida la xasuuso ninkii ugu horeeyay ee isqarxiyaa waxa lagu magacaabi jiray Aaadan Ookiyaale kaas oo isku qarxyay saldhig ciidan oo xarada darmooley ee k u lahayeen ciidamada itoobiya.
Wareerada qarxyada ah ayaa wali u muuqda kuwa aan xaloo helin, Cabsida dadka qabaana aad bay u badan tahay Qaraxba qaraxa uu ka danbeeyana waa ka mug iyo masiibo badan yahay .
Qoraa :- Cabdiweli Jaamac Barre