Tan iyo markii Midowga Yurub uu qorsheeyay inuu dhaqaalaha ka jaro ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socdo dalka Burundi, waxaa soo baxayay waxyaabo badan oo qasbay in hoos u dhac dhaqaalo lagu sameeyo ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan.
Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah ayaa baahisay iney jiraan waxyaabo badan oo ku qasbay midowga Yurub iney yareeyaan dhaqaalaha ay ku bixin jireen ciidamada AMISOM ee ka socdo Burundi.
Diblumaasiyiin xog ogaal ah oo la hadlay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee dhaqaalaha looga jaray ciidamada Burundi ay tahay in madaxweynaha dalka Burundi lagu qasbaa inuu wadahadal la gala kooxaha mucaaradka, uuna ka fogaadaa isku dhacyada qabaliga.
Dowlada Nkurunziza ayaa iska indha tirtay deeqaha reer galbeed ay ka jarteen iyaga oo raadinaya iney ku cadaadiyaan dowlada iney joojiso dagaalada siyaasadeed ee ka jira dalkaasi oo laga baqayo iney wadamo kale usii gudbaan.
Dowlada Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga 5,400 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxaana dowlada ay ka heshaa sanad walbaa faa’iido ah 13 milyan oo doolar, halka askari kastaa uu helo 52 milyan oo doolar sanad kasta.
Diblumaasiyiin ku sugan Yurub ayaa sheegay in midowga Yurub go’aankiisa yahay in taageerada ay siinayaan ciidamada Burundi uusan sii socon, si cadaadis loo saaro madaxweynaha.
Askari walbaa oo ka socdo dalalka Africa ee loo soo diro Soomaaliya wuxuu qaataa 1000 doolar bil walbaa, waxaana 200 oo kamid ah lacagtaasi hesha dowlada uu ka socdo, iyadoo laga taageero waxyaabaha kale ee u baahan yahay, sida cunada iyo agabka ciidanka.
Inkastoo dowlada Burundi ay cadaadiskaasi kala kulantay Midowga Yurub haddana waxay go’aansatay iney kasii mid ahaadaan howgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya, sida diblumaasiyiinta ay sheegeen.
Diblumaasiyiin kale oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in dhaqaalaha laga jarayo askarta Burundi iney saameyn ku yaalan doonaan dhaqaalaha badan ee dowlada ay ka hesho askarta kaga sugan Soomaaliya, waxaana la sheegay in sidoo kale la jari doono dhaqaalaha dowlada ay askarta ka qaadato oo gaaraya 200 doolar.
Inka badan 400 oo ruux ayaa lagu dilay dalka Burundi ilaa bishii April ee sanadkii hore waxayna u taagnaayeen doorasho,iyadoo markale uu xilka qabtay Nkurunziza oo si dastuurka aan waafaqsaneyn la sheegay inuu xilka ku qabtay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-