DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo Dowlada Dhexe ugu baaqday wax ka qabashada Abaaraha ka jira Dalka

0

Wasiirka Arimaha Bulshada ee Maamulka Jubbaland Maxamad Ibraahim Maxamuud oo ka hadlayay abaaraha ka jira deegaanada jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in xaalada abaaraha ay marba marka ka dambeysa ay ka sii dareyso.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Jubbaland ay dadaal ugu jirto samatabixinta dadka ay abaartu saameysa waxaana uu ugu baaqay dowlada federaalka iyo beesha caalamka in ay usoo gurmadaan shacabka soomaaliyeed ee abaaruhu ay ku dhufteen.

Maxamad Ibraahim Maxamuud, waxaa uu xusay in Maalinta Isniinta ah  ay jiri doonto salaad roob doon ah oo Alle lagu baryayo  inuu Abaaraha Kasaaro Dadka ay Saamweeyeen.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan ku yaboohday lacago Ka Badan Laba Milyan oo Doolar oo loogu tala galay dadka ku nool gobolada dalka ee abaartu ay saameysay iyadoona dowlada aysan weli bixin lacagihii ay ku deeqday.

Hoos ka Dhageyso Codka:-