DHAGEYSO:- Khudbada Madaxweyne C/weli Gaas uu ka jeediyay Heshiiskii lagu gaaray Garoowe, Sheegayna ineysan saxiixin 4.5

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay hishiiskii lagu gaaray magaalada Garowe, kaasi oo ay kala saxiixdeen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas, wuxuu sheegay in hishiiska ay saxiixeen uu leeyahay damaanad qaad buuxa, ayna saxiixeen in 2020 aan lagu laaban doorasho 4.5 ah.

Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay sababta keentay iney fikirkoodii hore ka tanaasulaan oo ay ogolaadaan nidaamka 4.5.

Hoos ka Dhageyso Codka:-