Roob ka da’ay deegaanada Maamulka Somaliland

0

Wararka naga soo gaaraya Deegaanada Maaamulka Somaliland ayaa sheegaya in roobab laga helay  Deegaano kamid ah Gobalka Awdal ee Maamulka Soomaaliland.

Deegaanada  Roobabka laga helay ayaa la sheegay in ay kamid yihiim meelihii ugu badnaa  oo ay kujirtay Abaarta ugu xun deegaanada  maamulka Soomaaliland.

Qaar ka mid dadka deegaanka ayaa  warbaahinta u sheegay in ay heleen roobab aan badneyn ,waxayna sheegeen in ay ku faraxeen dadka degan tuulooyinka hoose yimada degmada Baki ee Gobalk Awdal.

Maamulka Degmada Baki ayaa warbaahinta u sheegay in ay roobabkaas jiraan, laakiinse waxaa uu sheegay in ay Suurgal tahay in uu sameyn ku yeesheen dadka Abaaraha muddo hayeen maadaam dadka duuniyada ay xamilikarin roobab, Xooluhu ay si aad u liitaan.

Gobalka awdal ayaa kamid ah meelaha Abaarta ugu badan ay kajirto  taasoo  saameyn ku yeelatay  dadka iyo duunyada  kunool gobalkaas.

Dhankale warar  aan ka helaynay  Deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in roobab aan badneyn laga helay deegaanada Bixin, Garuuble, Biyo dhacay,Buurleyda siraadley.