Ugu yaraan 15 qof ayaa dhimatay, sidoo kalena 100 qof ayaa isbitaalada la dhigay ka dib daadad xooggan oo saameeyey magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia.
Daadadka ayaa ka dhashay ka dib markii xilli habeenimo ah uu magaalada ku fatahay dooxa weyn ee magaalada dhex mara, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dadka isbitaalada la dhigay ee gaaraya illaa 100 qof, ayaa isugu jira ciidankii Samatabixinta iyo dadkii deganaa hareeraha webiga.
Wasiirka ka hortagga masiibooyinka iyo u diyaargarawga ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, Maxamed Daahir Ismaaciil ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan sideed qof oo weli la la’ yahay nolol iyo geeri.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka:-