Kooxo hubaysan oo weeraray guriga Taliyaha Hogaanka Saadka Millateriga Somaliya

0

Kooxo hubaysan ayaa la sheegay xalay inay weerar ku qaadeen Hooyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Taliyaha Hogaanka Saadka ciidamada Millateriga Somaliya C/laahi Macalin Nuur.

Guriga Taliyaha oo ku yaalo Xaafada Siigaale ee Degmada Hodan, ayaa la sheegay raggan hubaysan inay ku weerareen Qoryaha fudud iyo qoryo culus intaba.

Ilaalada guriga Taliyaha Hogaanka Saadka ciidamada Millateriga Somaliya ayaa iska caabiyay weerarkaasi hubaysan ee Kooxaha ay soo qaadeen, iyadoo dhaawaca hal ruux uu ka dhashay Rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayeen.

Ruuxa dhaawacmay ayaa la sheegay inuu yahay qof shacab ah oo gurigiisa ay rasaasta ugu tagtay, majirto waxyeelo kale oo la og yahay oo ka dhashay weerarkaasi.

Ilaa hada Taliyaha Hogaanka Saadka C/laahi Macalin Nuur kama uusan hadlin weerarkaan Kooxaha hubaysan ay ku qaadeen Hooyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay.

Lama oga Kooxaha hubaysan ee guriga Taliyaha Hogaanka Saadka Ciidanka Millateriga weeraray inay yihiin Shabaab iyo ciidan kale.

Xaalada ammaan ee Magaalada Muqdisho ayaa aad u xumaatay, maalmahan dambe, waxaana Magaalada ka dhacaya dilal qorsheysan oo ay geysanayaan Kooxaha hubaysan.