Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa la xaqiijiyay iney weli ku sugan yihiin duleedka Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe maadaama la sheegay in aysan Al-shabaab ku sugneyn degmadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa ku sheegay sababta ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay u geli la’yihiin Degmada Aadan Yabaal inay tahay in ciidamada aysan amar u qabin gelitaanka Degmadaasi.
Waxa uu sheegay in ciidanka laga xukumo gobolka Hiiraan isla markaana aysan amar u qabin iney gudaha u galaan degmadaasi.
Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal wuxuu sheegay shacabka Magaalada ku nool inay u baahan yihiin Nidaamka Dowliga ah, maadaama muddo sanado badan ah ay Al-Shabaab maamulaayeen degmadaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha in ay degan tahay xaalada guud ee Degmada Aadan Yabaal.
Hoos ka Dhageyso Codka:-