Ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howl gal oculus ka sameeyay degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan.
Degmooyinka ay Ciidamada sida gaarka ah howl galada ugu sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Maxaas, iyo deegaanada hoos yimaada, iyo sidoo kale magaalada Buula Barde.
Ujeedka howl galadaan ayaa ahaa sidii ururka Al-shabaab eek u sugan deegaanadaasi loogu saari lahaa oo shacabka ku nool deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa gargaar.
Ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howl galada ay qaadeen waxay wadeen saacado, waxayna shaaciyeen iney ku guuleysteen wax badan oo ay ka lahaayeen howl galada.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-