DHAGEYSO:- IGAD oo sheegatay inay PUNTLAND ku qancisay 4.5 iyo Balan qaad ay ku sheegeen in sanadkaan ka dib Dalka aysan ka dhici doonin doorasho 4.5

0

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii dhawaan ay Garoowe ku kala Saxiixdeen Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ambassador Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Tilmaam u yahay in Soomaaliya ay ka Gudubto wax ku qeybsiga Qabiilka Ee 4.5 islamarkaana ay u gudubto wax ku qeybsiga Degaanada Dalka.

Urur Goboleedka IGAD ayuu sheegay inuu diyaariyay Qorsha Soomaaliya uga baxeyso wax ku qeybsiga Hanaanka 4.5 islamarkaana Soomaaliya aysan mar dambe wax ku qeybsan doonin waxii ka dambeeya 2016 oo Soomaaliya ay Doorasho ka dhaceyso.

IGAD ayaa ka mid aheyd Wafuuf Goobjoog u aheyd Heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Puntland ay ku gaareen Magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal.

HALKAAN KA DHAGEYSO