DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay guushii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Jamhuuiryadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markale ku guulestay doorashada Madaxtinimo ee ka dhacday dalka Jabuuti.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ku hadlayay magaca dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo markale loo doortay xilka Madaxtinimo ee wadanka Jabuuti.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana soo dhaweyneynaa sida ay u dhacday doorashada, shacabka iyo madaxdooda waxaan leenahay hambalyo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-