Wasiirka Wasaarada Gargaarka Bani aadanimada iyo daryeelka Naafada ee Maamulka Galmudug Shirre Xirsi Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa Hay’adaha gaargaarka ee ka howlgala deegaanada Galmudug ugu baaqay iney gurmad deg deg ah la soo gaaraan qoysaska danyarta ah eek u nool deegaanada ay ka taliyaan.
Wasiirka waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Hay’adahaasi aysan si dhab ah ugu gargaarin dadka dhibaateysan waxa uuna sheegay in ay go’aan ka qaadanaya Hay’adii aan waxbo u qabaneyn qoysaska dhibaateysan eek u nool deegaanada ay ka taliyaan.
Wasiir Shirre Xirsi Maxamuud ayaa sidoo kale Hay’adaha gargaarka ugu baaqay iney isa soo diiwaan geliyaan si loogu sharciyeeyo ka howl galista deegaanada Maamulka Galmudug.
Deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka jira abaar saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah eek u nool deegaanadaasi, waxaana Wasiirka uu hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu koormeer ku tagay Kaam ay ku nool yihiin qoysas danyar ah.
Hoos ka Dhageyso Codka:-