SAWIRO:- John Kerry oo ilmeeyay ka dib markii uu la kulmay hal Arrin

0

John Kerry, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Axadii Magaalada Hiroshima ee dalkaa Japan kaga qaybgalay xus loogu sameeyay dadkii ku la’day bam atoomigii uu la dhacay Mareykanka, sanadkii 1945-kii.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Magaalada Hiroshima kaga qaybgalaaya shir ay ku leeyihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Ee Wadamada G7. Shirkan waxaa lagu wadaa in looga hadlo arrimaha Suuriya, dagaalka Ururka Daacish iyo arrimo kale oo gobolka ku aadan.

Xuskan oo lagu qabtay Beerta Nabadda Hiroshima, ayaa waxaa John Kerry ku wehlinaayay lix ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda ee lix ka mid ah Wadamada G7 leesku yiraahdo.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Fumio Kishida, ayaa dhigiisa Mareykanka ku cadaadin doona in la yareeyo quwadda nukliyeerka caalamka.

John Kerry wuxuu noqonayaa masuulkii ugu sareeyay oo ka socda dalka Japan, isla-markaana booqda Hiroshima, tan iyo markii uu Mareykanku dhulka ku daray Magaaladaasi.

Safarka John Kerry ee dalka Japan, ayaa qayb ka ah socdaal uu ku maraayo qaar ka mid ah Wadamada Qaaradda Asia. Japan ka hor wuxuu tagey dalka Afghanistan.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Kerry Kerry2 Kerry3 Kerry3- Kerry4 Kerry4- Kerry5 Kerry6 Kerry7 Kerry7- Kerry8 Kerry8-