Iyadoo maalmihi la soo dhaafay saxafadda qaarkeed baahinayeen warar aan sal iyo raad toona lahayn isla markaasna ku saabsanaa in Raisalwasaaraha Soomaaliya Mudane Dr. Saacid Faarax Garaad lagu bedeli doono Mudane Dr. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo,ayaa warkaasi noqday Mid been abuur ah.
Warkan oo la xaqiiqsaday shabakadda faafisay isla markaasna danno gaar ah ka leh arrimahaasi ayaa la soo ogaaday in warkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaasna lagu been abuurtey Madaxda dalka Soomaaliya sida Raisalwasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Shabakadda Allgalgaduud oo xiriir la sameysay illo wareedyo ku dhaw dhaw Xafiisyadda Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa loo xaqiijiyey inaan warkaasi waxba ka jirin isla markaasna uu ku kooban yahay kooxda faafisay ee shabakadahooda ku qortey,isla markaasna danno gaar ah ka leh.
Sidoo kale Raisalwasarihi hore ee Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isna xiriir lala sameeyay ayaa daboolka ka qaaday inaan arrimahaasi waxba ka jirin isla markaasna warkaasi yahay mid been abuur ah oo suuqa ay galiyeen dad aan u naxayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Dr. Farmaajo waxa uu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay inay dawladooda la shaqeeyaan isla markaaasna gacan muhiim ah ku siiyaan sidii dalka amniga iyo kala dambeynta ay ugu soo celin lahayd dawlada Soomaaliyeed, “Waxaan dhamaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagaan dowladooda, waxaana leeyahay iska daaya nin jecleeysiga iyo u adeegida danaha shaqsiyaadka, waa in aad u adeegtaan danta Dadka iyo Dalka” ayuu yiri R/wasaarihi hore ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mudane Dr. Farmaajo oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu taageero hiil iyo hooba leh isagu shaqsiyan la garab taagan yahay,”dhawaan ayaadna ka maqli doontaan wareeysigayga idaacadaha Caalamiga ah” ayuu raaciyay R/wasaarihi hore ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii shabakadaha Soomaalida qaarkood ayaa ah kuwo caadeystey been abuur ay ka sameeyaan madaxda dalka Soomaaliya isla markaasna faafiya warar aan jirin oo ay ka leeyihiin danno gaar ah, iyadoo wararkaas ay ka sii qaataan shabakado kale oo aan ogeyn arrimaha ka dambeya wararka been abuurka ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com