Waraaq Furan Oo Ku Socota Mudane Professor Cali Maxamed Geeddi. By Cali Yaasiin Gurbe

0

GurbeMudane, professor Cali Moxamed Geeddi, igaraalli noqo haddaan kuu gafo, iina soo sheeg waxaan qalday.

Ka dib, markaan la yaabay dhaqankaaga siyaasadeed, ayaa maskaxdeydu i tustay inaan taariiqdaada dib u-baaro.

Dad-badan oo aqoon kuu leh ayaan la xiriiray, waxaanna weydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin:-

§  Qoyskii ku soo barbaariyey.

§  Tacliintaadii.

§  Meeshaad ka shaqo bilowday.

§  Sidaad siyaasadda ku soo gashay.

§  Intaad xilka qaranka haysay sidaa ahayd.

Waxaa la ii sheegay in aabbahaa Moxamed Geeddi  (geeddi dheere) uu ahaa sargaal askari ku soo raagay oo gaadiidka tu taqasusay. Geeddi dheere waxaa lagu tilmaamay nin dabeecad iyo shaqaba fiican oo dadku jecel yahay.

Waxaa la ii sheegay inaad jaamacadda ummadda, (xannaanada xoolaha) ka baxday oo aad waliba kaaliye bare ka noqotay (midhaa kuugu filan inaad professor noqoto) markii Soomaaliya loo fiirsho.

 

Waxaa la ii sheegay, in burburkii qaranka ka dib aad ka shaqeyn jirtay haa’yad ngo ah. Warku wuxuu intaas raacinayaa inaad waqtigaas xiriir gooni ah ee qoddo dheer la yeelatay dawladda Itoobiya, taasoo sabab u noqotay inaad wasiirka kowaad ka noqoto dawladdii Soomaaliyeed ee Imbigaati lagu yagleelay sanadkii 2005. Dadka arrintaas ii sheegay waxbey daba-dhigayeen.

Waxaa lagugu eedaynayaa inaad qaladaad xunxun oo  aan la hayn madax iyaga oo kale samaysay  gashay intaad xukunka sare haysey, sida:-

ü  Lacagtii dawladda Sacuudi Carbiya ugu deeqday ummadda soomaaliyeed, taasoo aanan tirsigeeda caddayn Karin asii la hubo inay maayiin dollar ahayd, ma jirto cid kale oo meel ku sheegi karta adiga maahee. Xitaa marxuum C. Yuusuf oo markaas ahaa madaxweynaha dalka, waxaa si waadax ah looga wariyey inuusa hal doolar meel uga ogayn. Arrintaasuna tahay middii dagaalka dhalisay.

 

ü  Waxaa idaacado shisheeye sheegeen, inaad wiilkaaga maalaayin doolar ku oroosisey, iyadoo dad Soomaaliyeed gaajo u naf baxayaan.

ü  Waxaa la sheegayaa inaad gurigii John Grand ku iibsaday kala goynta Suudaan, aad ka sii iibsatay marka layska dhaafo gol-goosiga aad ka sameysay Islii iyo meelo kale.

ü  Waxaa intaasoo dhan ka daran is-xambaarkii canka aha ee aad boqolaalka qof ku geeysay dalalka reer galbeedka waagii aad madaxda sare ahayd arrintaasoo magacxumo weyn u soo jiidday sumcadda Soomaaliya illamaa baasa-boorkeenni meel kasta laga diiday.

 

ü  Waxaa la wada ogyahay, inaad geed dheer iyo mid gaabanba u-fuushay sidii aad jilbaha dhulka ugu dhufan lahayd dawladdii kmg ahayd, iyadoo la aaminsanaa in lagaa soo diray meeshii lagaa soo dhisay.

 

ü  Waxaa muuqata inaad dawladdaan curdanka ah ee dhibaatada ku-filano haysato weerar siyaasadeed ku hayso iyadoo taas baddalkeeda lagaa sugayey inaad qibraddaada iyo magacaaga hadduuba jiro ku garab-istaagtid.

ü  Markasta waxaad u-muuqataa in shisheeye kaa dhex hadlayo.

ü  Markii arrimahaas oo dhan laysku geeyo, waxaad iila ekaatay:-

 

ü  NIMAAN:-  NAXAYN!, BAQAYN!, EE AAN WALIBA XISHOONAYN!, OO WALIBA CADAW TIIRSHE AH.

Haddii waxaasu beeh yihiin, fadlan ii soo qor xaqiiqda, waxaan kaa ballan qaadayaa inaan meediyaha u bandhigo.

Cali Yaasiin Gurbe
Caliyare200@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com